Financial advice

Financial Income through Freelancer

   
Sida aynu wada ognahay marka laga hadlaya sida lacag looga sameeyo online ama internetka gaar ahaan canva, somaali ahan waxaynu ka aamin sanahay waxaan jirin.
balse waa xaqiiq jirta , taaso aad lacag ka samyn karto online, mida kale jirta waxa jira boqolal website kuwaaso online lacag looga sameeyo oo run ah iyo qaar kale oo iyaguna fake ah ama been ah.
hada qormadan waxan kugu soo gudbin sida aad Make $100 a day with freelancing , anago adeegsanyn onlineka gaar ahaan canva,
Waxan kugula wadaagi doon qoraalkan website aanu soo hubinyn anaguna aanu isticmaalo kuwaaso aad bishi dhaqaale kugu filan ka samyn karto
Canva waa online software kaaso aad ay ku jiraan ama aad ka samyn karto waxyaabo badan oo dadku u saamxaya inay ku horumariyaan ganacsigooda ama socialmedia.
Canva waxad ka heli karta ama aad uga shaqaynsan karta adigoo oo aan u baahnayn wax xirfad ah ama aqoon ah.
Sababto ah waxa ku sahlaya Canva oo ay ku jiraan boqolal tempate diyaarsan kuwaaso kaliya aad u baahantay inad badbadasho.
Hababka aad uga shaqaynsan karta canva, si aad canva uga samaynso lacag waxan halkan kugula wadaagi doona dhow hab oo fudud oo aad lacag uga samayn karto canva.

1. Samaynta Youtube Thumbnail.

Freelancer
Waxa jira ama sanadan dambe soo badana dhalinyarada somalida ah ee muuqalo kusoo gudbisa aalada youtube kuwaaso lacag ka sameeya kuna soo gudbiya muuqalo kale duwan.
Balse nasiib daro badankoodu waxay ay isticmaalan THUMBNAIL aan soo jidasho lahayn.
sida darteed halka waxa ka banaan fursad ad dhaqaale kaga samyn karto adigo isticmaalya CANVA oo aad si free ah ugu samyn karto THUMBNAIL qurux badan.
Kadibna aad halka dhaqaale ka saym karto $5-$20, tusaale, Sido kale waxa waxad aad ku iibin karta thumbnail aad ku samynsy canva website la dhaho fiver kaaso ay ku jiraan malayiib dad ah oo raba in loo sameeyo youtube thumbnails.

 

Habka 2. Facebook Cover

habkan waxaynu kusoo qaadan doona sidii aad ugu samyn lahayd facebook cover dadka ganacsiga leh sida meherada, hotelada, baaburta iyo dhamn cid walba oo rabta in loo sameeyo facebook cover qurux badan.
Habkam waxaad ku smayn karta dhaqaale badan adigo oo u shaqayna dadka u baahan sida kuwa ganacsiga leh kuwa xafladaha leh iyo dhamn cid walba oo facebook rabta in kloogu sameeyo.
kuna darso shaqadan kagama baahna waxa xirfad ah ama aqoon ama dhaqaale aad ku bilowdo , kaliya waxaad u baahantay waa lopton ama mobilka, lkn waxa sii fiican inaad haysto lapton iyi internet si aad howsha kugu fududaato.

Habka 3aad Samaynta Products ads

xog uruurin aan ku samaynta sida baraha bulshada ay isticmaalan gacansata somalida ah , waxa nooga soo baxay in 85%.
Ganacsata alaabtooda ku xayaysiisata baraha bulshadu ay isticmaalan sawiro iska caadiya kuwaaso oo an wax ah lagu samyn ama la habayn si ay usoo jiidata dadka rabba in iibsadaan.
sida darteed waxan rabba in aan qodobkan idunkula wadaago sidii aad ugu samyn lahayd post ama xayaysiin alaab ganacsata somalida si ganacsigoodu uu u horumaro adna ad ka heshid dhaqaale aad naftaad ku maarayso iyo ta qoyskaagaba

 

canva
Hadaba inago ka faaiidaysanyna CANVA waxa aad ogaan doonta sidi aad u samayn lahayd products ads tayo leh oo qurux badan kaaso ganacsata somalidu aad ugu baahantay.
Adigoo sidan hore u soo sheegnay lagaga baahnayn wax xirfad ah maadama aad isticmalays CANVA.
Sawirka sare waxa weeye marki hore siduu aha iyo marka dambe sidaynu ka dhignay, waana kasi quruxbadnaysin karta ani si degdeg ah ayan u sameeyay lkn hadaad 30 daqiiq galiso waxad samyn karta post tayo fiican leh kaaso aad ku gadi karto lacag fiican.
tusaale ahaan hadii aad 10 macmiil ama ganacsade u sameeyso midkii hal post oo qiimeheedu yay $3- $5 waxad aad heli karta $30 ama $50 malintii.
Taasi waqtigaga kaga baxayaana yaya haduu ugu bato 5 saacadoood oo kaliya taaso macneeheedu yay inaad 5 saacadood samayn karto lacag ku dhow $50 oo biishina u dhiginta $900 ilaa $1500 oo dollar.
waaan alacag fiican oo aad naftaada iyo ta qoysakaagaba ku ilaalin karto, Kawaran hadaad hesho bishii 100 macmiil kuwaaso aad malintii u samynso hal post oo kaliya, taaso u dhiganta 100 macmiil* $5 = $500 malintii bishiina $500*30= $15000.
Sida lacag looga sameeya software CANVA way fara badan tahay waxa jira qayb kale oo aanu soo wadno oo fara badan si aad noola  socota fadlan nagusoo biiro si aand u noqoto qofka ugu horeeeye, amrka aanu soo dhigno post noqda qofka ugu horeeeye ka faaiidaysta.

 

Hab 4- Samaynta Resume Template

template
Qodobkan waxaynu ku eegi doona habka lacag uga samyn lahayd canva adigoo samayna, Profesional resume template.
Adigo isticmalaya Canva waxad samayn karta professional resume kuwaaso kaaga baahnayn inaad leedahay skills dhanka samaynta Resume kuwaaso aad hadhow ka gadi karto cidi u baahan, waayo waxa jiraa dad badan oo rabba in loo sameeyo Resume

 

Habka 5aad- Samaynta logo

Sido kale canva waxaad ku samayn kartaa noocyada kala duwan ee logos kuwaaso si fudud aad ku samayn karto adigoo isticmaalaya qaar ay canva ku diyaarisay oo aad hadhow ku badali karto logoda laga soo dalbado.

 

Habka 6aad Video Templates

facebook
Sido kale canva waxaad ku samyn karta noocyada kala duwan ee muuqalada hadayn noqdaan kuwa youtube, facebook, tiktokda, iyo dhaman noocyada iyo qaab walba oo aad muuqal ku samyn lahayd.
sido kale canva muuqalada waxay ka caawinyaan inaad hesho templates tayo fiican leh kuwaaso ku saamaxaya inaad samayso muuqal tayo leh.
Oo aad dhaqaale ka samyn karto , adigoo ku dhex gadaya baraha bulshada iyo meelaha kale sida fiver, upwork freelancer.

Habk-7aad Business Cards

Canava waxay ku samayn karta business cards kuwaaso oo aad ka gadi karto dadka ganacsiga leh iyo dadka businesska leh oo run ahaanti aad ugu baahan inay helaan cards kuwaasoa businesskoda iyo logada businesskag ku qorantahay.

Habka-8aad Youtube Channel Art

Sida aaynu wada ognahy youtube waqti xaadirankan waa aalada loogu daawasho wacan yahay sido kale loogu isticmaal badan yahay oo dad badan dhaqaale ay ka sameeyan, iyada sida dad badan u isticmaalan.
Waxad jaanis u haysta inaad adaka u samynso youtube channel art kuwaaso youtube aad looga bahanyay oo lagama maarmaarman u tahay, Hadaba canva waxaad si free ah ku samayn karta youtube channel arts.

Habka-9aad intro/outro

Outro/Intro waa muuqalka yar ee ka horeeya muuqalka guud kuwaaso badanka ay isiticmaalan youtubeka ama dadka muuqalda kusoo gudbiya social media siiba gaar ahaan youtube waa lagama maarman qofka isitcmaalaya youtube inuu haysto intro ama outro.
Hadaba canva waxad ku samayn karta qaab free ah intro/outro kuwaaso tayo fiican leh oo aad si fudud ugu samayn karto canva, hadhowna waxad ku gadi karta lacag fiican.

 

Habka. 10 Socail Media Post

social media
Social media waqti xaadirankan isticmaala dad aad u badan kuwaaso kusoo gudbiya muuqalo, sawiro, qoraalo, kala duwan , oo waliba si malin leh u isticmaala socail media sida youtube, instagram, facebook, tiktok, iyo meelaha kalaba.
Hadaba dadbadan waxayn u baahan yihiin in loo sameeyo social media post kuwaaso ay kusoo gudbiyaan baraha bulshada ay isticmaalan .
Gaar ahaan dadka businesska leh waxay u baahan yihiin social media post kala duwan oo ay kuso bandhigan accounadooda.
Hadaba canva waxad ku samyn karta nooc walba oo ah social media post iyo waliba size walba oo ay leeyihiin,adigoo waliba free ahaan ku isticmaalaya

 

Dhamaad

Halkan waxan ku soo koobnay 10 hab oo aad dhaqaale uga samyn karto adigoo isticmaalaya canva, canva inta in ka abdan ayaad ka helli karta lkn tobankan ayaanu kusoo koob nay.
Hadaba kaliya waxaad u baahanty inaad action samynso oo aad fadhiga ka kacdo oo aad noqoto qof dhaqaale sameeya adigo istoicmaalya barnaamijyada aanu halkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *